Mataano isku dheggenaa oo qaliin lagu kala saaray

0
127

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Dhaqaatiirta isbitaalka qaran ee Muhimbili ayaa ku guuleystay qaliin ay ku kala saareen Rehema iyo Neema.

Qaliinkaasi guuleystay oo qaatay muddo todoba saacadood, ayaa waxaa uu bilowday sadexda aroornimo, wuxuuna soo dhamaaday sagaalka fiidnimo, inkastoo ay jireen dhibaatooyin iyo caqabado waaweyn oo ay kamid ahaayeen in la kala saaro beerka, wadnaha iyo unugyada gudaha ee jirka.

Qaliinka ayaa waxaa la sameeyay jimcihii,1-da bisha Luulyo, waxaana ka qeyb qaatay 31 khubaro caafimaad oo ka soo jeeda dalka Tanzania iyo shrkadda Operation Child Life oo laga leeyahay Ireland.

Qaliinka la sameeyay jimcihii, ayaa galay taariikhda iyadoo Tanzania ay noqoneyso dalkii sadexaad ee qaaradda Africa ee sameeya qaliin lagu kala saarayo mataano marka laga soot ago dalalka Masar iyo Koonfur Africa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here