Masjidka wayn ee barakaysan ee Makah oo si buuxdo loo furay

0
304

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Masjidka wayn ee barakaysan ee Makah Al-mukaramah ee waddanka Sucuudi Carabiya ayaa markii ugu horraysay si buuxdo loo furay tan iyo markii uu bilowday cudurka Covid-19, kaddib markii la khafiifiyay xayiradihii lagu xakamaynayay cudurkaasi.

Waxaa meesha laga saaray astaamihii lagu dhajiyay dhul dhaca hoose ee masjidka ee dadka ku cibaadaysanaya ka caawin jiray inay kala fogaadaan, haatanna waxaa dadka loo ogolyahay in sidii caadiga aheyd ay garbaha isku qabtaan.

Hasayeeshee waxaa qasab ah in dhammaan dadka masjidka galaya ay tallaal buuxa qaateen ayna marnaba iska furin af xirka ama Facemask-ka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here