Martinelli, Saka & Smith Rowe Oo Taariikh Cajiib Ah U Sameeyay Arsenal.

0
208

Kooxda Arsenal ayaa guul muhiim ah ka gaadhay kooxda Leeds United kulan ka tirsanaa horyaalka premier League kana dhacay garoonka Elland Road.

Goolal ay dhaliyeen xiddigaha gabriel Martinelli (2) Bukayo Saka iyo Emile Smith Rowe ayaa Arsenal ka caawiyay in ay guul ay u qalmeen oo 4/1 ahayd.

Kadib goolashaas xiddigaha gabriel Martinelli, Bukayo Saka & Emile Smith Rowe ayaa rikoodh cajiib ah u dhigay kooxda Arsenal iskuna qoray taariikhda horyaalka premier league ee Gunners.

Xiddigaha Gabriel Martinelli (20), Bukayo Saka (20) & Emile Smith Rowe (21) ayaa noqday xiddigo jira da’da 21 jiro ama wax ka yar oo gool u dhaliyay Arsenal horyaalka premier league.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here