Mareykanka oo sheegay in uu ku rejo wayn yahay in sare loo qaado xiriirka Afrika iyo Mareykanka

0
116

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden, ayaa shaaciyay lacago gaaraya balaayiin doolar oo hor leh uu ku maalgelinayo Afrika xilli shirka madaxeedka Afrika uu ka socdo magaalada Washington.

Shirkan ayaa loo arkaa isku day uu Mareykanku ku doonayo inuu ku xoojiyo saameynta uu ku leeyahay qaaradda Afrika xilli Shiinaha, Ruushka iyo Turkiga ay xoojinayeenn saameyntooda ku aadan qaaradda.

Joe Biden ayaa sheegay in uu ku rejo wayn yahay in sare loo qaado xiriirka ka dhaxeeya qaaradda Afrika iyo Mareykanka, isaga oo ku dhawaaqay balaayiin doolar oo lacag ah oo qaaradda loogu talagalay.

Wuxuu u sheegay madaxda isugu timid shirka Washington in guush Afrika ay tahay guusha Marekanka. Mr Biden ayaa farta ku fiiqay muhiimada ay leedahay dowlad wanaaga, shucuub caafimaad qabta, iyo tamar ay dadku wada awoodi karaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here