Mareykanka oo Muwaadiniintiisa uga digay in ay u safraan Canada

0
235

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Mareykanka ayaa muwaadiniintiisa uga digay in ay u safraan dalka ay xad wadaagga yihiin ee Canada sabab ka dhalatay halista faafitaanka Covid-19 iyo in uu haleelo cudurkaan sida ku xusan war kasoo baxay Washington.

Isu socodka Canada & Mareykanka ayaa dib loo furay sanad iyo bar kaddib, Mareykanka waxa uu Muwaadiniintiisa usoo jeediyay in aanay ku fududaan u gudubka dhinaca Canada oo weli xannuunka kasoo afjarmin.

Washington ayaa adkeysay shuruudaha isu gudubka xadka oo xaalka lama mid aha kahor xiritanka oo keliya dadka ay mari jireen hubinta baasaboorka & ka badqabka falal dambiyeedyada balse haatan waxa uu qofka marayaa hubin caafimaad.

Digniinta Mareykanka ayaa xoojisay welwelka safarka isu gudubka labada Dal iyaga oo maanka ku haya kiisaska maalmihii lasoo dhaafay ku kordhay Canada, Dadka ayaa laga hubinayaa in ay heystaan kaararka muujinaya in la tallaalay.

Dhaqaale xumada labada Dowladood ee ka dhalatay saameynta taban Covid-19 ayaa xoojisay shaqo la’aanta dadka, meelaha ugu badan ee laga dareemay hoos u dhaca dhaqaalaha ayaa ah Hoteellada, Goobaha Dalkiisa & safarka qudhiisa.

Canada sanadkii waxaa u dalxiis tagi jiray dad gaaraya 10.5 Milyan sida laga soo xigtay qaar kamid ah saraakiisha qaabilsan waaxdaas oo gacanta ku haya diiwaanka Dalxiisayaasha sanad weliba tagi jiray Dalkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here