Marcelo Oo Go’aan Uga Gaadhay Mustaqbalkiisa Real Madrid.

0
389

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Real Madrid ee Marcelo ayaa go’aan kama dambays ah ka gadhay mustaqbalkiisa kooxda Los Blancos isaga oo sheegay in uuna doonayn in uu isaga tago kooxda waliba uuna u malaynayn in ay kooxdu sidoo kale doonayso in ay iibiso xagaaga.

Marcelo ayuu soo fuulay cadaadis badan kadib markii uu Ferland Mendy yimid kooxda kaas oo daafaca bidix ka dhigtay booskiisa joogtada ah.

“Ma doonayo in aan ka tago kooxda Real Madrid, sidoo kale uma malaynayo in ay Real Madrid doonayso in ay i iibiso”ayuu Marcelo yidhi.

“Waxa aan ka qabtay shaqo fiican Real Madrid tan ilaa markii aan imid waxana aan kooxda joogay muddo dheer waana sheego cajiib ah”.

“Waxan u malaynayaa in ay wax fiicantahay in ay kooxaha kale xiiso ii muujiyaan laakiin waxba kama ogi Juventus”ayuu hadalkiis sii raaciyay kadib markii wax laga waydiiyay xiisaha Juventus.

Arlaadi Radio

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here