Marc-Andre ter Stegen Oo Magacaabay Shaxdiisa Ugu Fiican Xiddigaha Uu Ka Soo Garab Ciyaaray.

0
215

Goolhayaha Kooxda Barcelona ee Marc-Andre ter Stegen ayaa magacaabay shax uu ka sameeyay xiddigihii uu ka soo garab ciyaaray xirfadiisa ciyaareed.

Marc-Andre ter Stegen ayaa u ciyaara xulka qaranka Germany iyo kooxda Barcelona waxana uu ka soo garab ciyaaray xiddigo badan oo heer caalam ah.

Si kasta ha ahaatee Marc-Andre ter Stegen ayaa shaxdiisa ugu fiican ee xiddigihii uu ka soo garab ciyaaray ka reebay Xiddiga Lionel Messi kaas oo ay isaga soo garab ciyaareen kooxda Barcelona.

Sidoo kale waxa uu shaxdiisa ka reebay Labada Goolhaye ee Manuel Neuer & Claudio Bravo oo uu kaga garab ciyaaray Barcelona iyo xulka qaranka Germany.

Halyeeygada kooxda Barcelona ee Xavi iy Iniesta ayaa hogaaminaya khadka dhexe halka ay weerarka hogaaminayaan xiddigaha Reus iyo Gotze oo uu kaga soo garab ciyaaray xulka qaranka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here