Maraykanka oo hirgelinaya sanduuq lagu maamulayo $3.5 billion oo ah, lacagaha Afghanistan u yaalla caalamka

0
146

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay inuu dalka Switzerland ka hirgelinayo hannaan maaliyadeed oo lagu maamulo lacag gaadhaysa illaa $3.5 billion oo dollar oo ah, hanti kayd ah oo uu leeyahay dalka Afghanistan, taas oo loo isticmaali doono sidii loogu xasilin lahaa dhaqaalaha dalkaas, waxaana maamuli doona gole sare.

Wasaaradda maaliyadda ee dalka Maraykanka ayaa sheegtay in sanduuqan cusubi uu ilaalin doono lacagta dalka Afghanistan, isla markaana lagu bixin doono meelaha loogu talo galay.

Dhaqaalaha laga bixin doono sanduuqa Afghanistan ayaa si toosa u aadi doona meelaha ay ka midka yihiin, korontada, bixinta deymaha dalkaas lagu leeyahay, iyo in la xaqiijiyo in dalka Afghanistan uu awood u yeesho inuu heli karo gargaarka horumarinta ee caalamiga ah.

Xukuumadda Taliban ee ka talisa dalka Afghanistan ayaa doonaysa inay dib u soo celiso balaayiin dollar ooh anti ah oo dalkaas u taalla bangiyada Maraykanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here