Manchester United Oo Shaacisay Qiimeyaasha 13ka Xiddig Ee Uu Nacay Erik ten Hag

0
101

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Manchester United ayaa shalay soo saartay liiska 13 ciyaartoy oo ay doonayso inay iibiso xagaagan, kuwaas oo uu tababare Erik ten Hag u arko in aanay waxba kusoo kordhinayn safkiisa balse ay ku yihiin culays oo ay kursiga kaydka ka buuxinayaan.

Red Devils ayaa isku diyaarinaysa xagaa ay hawlo badan qabanayaan shaqaalaheeda suuqa oo laba arrimood u yaallaan. Midda hore ayaa waxay tahay inay ku guuleystaan wada-xaajoodyada ciyaartoyda uu Erik ten Hag dalabnayo in loo keeno iyo midda labaad oo ah inay kooxo iibsada u helaan ciyaartoyda aan laga doonayn Old Trafford.

13ka ciyaartoy oo aanu magacyadooda idiin soo gudbinay shalay, ayaa waxa ku jira laacibiin kasoo laabtay amaah ay ku maqnaayeen oo aan wax kalsooni ah ka haysanin Ten Hag iyo kuwo uu kaydku daashaday sannadkii uu tababaraha reer Netherlands joogay Man United.

Lacagta ciyaartoydan ay ka hesho ayay Manchester United doonaysaa in ay ku kharash garayso saxeexyo cusub, sida goolhaye, difaac, khad dhexe iyo weeraryahan, waana afarta boos ee saluugu ka jiray xilli ciyaareedkii hore.

Mason Mount oo ay Manchester United ku dalbatay  £55 milyan oo Gini laakiin ay Chelsea diidday inay qiimahaas ku iibiso ayaa ugu horreeya ciyaartoyda ay Man United doonayso, sidoo kalena Jordan Pickford oo goolka ah ayaa isagana magaciisu uu bannaanka yaallaa.

Si kastaba, qiimeyaasha ay Manchester United u go’aamisay inay ku iibiso xiddigaha ay suuqa soo dhigtay ayaa la shaaciyey, waana sidan:

13. Donny van de Beek – £20 milyan

12. Fred – £20 milyan

11. Anthony Elanga – £20 milyan

10. Hannibal Mejbri – £13 milyan

9. Alex Telles – £10 milyan

8. Brandon Williams – £5 milyan

7. Eric Bailly – £2 milyan

6. Zidane Iqbal – £850,000 – Waxa la wareegtay Utrecht

5. Harry Maguire – £40 milyan

4. Scott McTominay – £40 milyan

3. Dean Henderson – £20 milyan

2. Jadon Sancho – £45 milyan

1. Anthony Martial – £25 milyan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here