Manchester United oo khasnadeeda u jabisay saxiixa Frenkie de Jong

0
215

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Manchester United ayaa dooneysa inay jabiso khasnadeeda si ay u hesho saxiixa ciyaaryahanka khadka dhexe ee reer Holland Frenkie de Jong, kaasoo ay ka dooneyso inay ka soo qaadato kooxda Barcelona, ​​inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Wargeyska Ingiriiska ka soo baxa ee Daily Mail, ayaa sheegay inuu jiray heshiis dhammaystiran oo ay Man United iyo Barca ku heshiiyeen in kooxda ku ciyaarta garoonka Old Trafford la siiyo lacag dhan 88 million euros, si ay u helaan adeega Frenkie de Jong.

Wargayska ayaa tilmaamay in Man United ay diyaar u tahay in ay bixiso lacag uu xiddiga reer Holland ku leeyahay Barcelona, oo dhan 17 million pounds, iyadoo ciyaaryahanka la siiyay qandaraas uu ku qaadanayo mushaar dhan 450 kun ginni todobaadkii.

Tani waxay la macno tahay in Red Devils aysan dhib ku qabin inay bixiso wax ka badan 100 m million euros si ay u xaqiijiso imaatinka De Jong ee kooxda, iyadoo la og yahay in Chelsea ay sidoo kale xiiseyneyso inay hesho saxiixa ciyaaryahanka.

Yeelkeeda, wargeyska ayaa tilmaamtay in ciyaaryahanka reer Holland uu ka soo horjeedo rabitaanka United iyo Barcelona, ​​islamarkaana uu diiday fikradda ah inuu ka tago Camp Nou, mana soo dhaweynayo inuu ka ciyaaro Premier League xilliyada soo socda, ha ahaato safafka Man United ama Blues.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here