Manchester United oo dalab weyn ka gudbineysa saxiixa xiddig muhiim ka ah Atlético Madrid

0
347

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Wargeyska “AS” ee dalka Spain ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in kooxda kubadda cagta Manchester United ay u soo bandhigtay Atlético Madrid lacag qaali ah si ay ula soo saxiixato Marcos Llorente inta lagu jiro xilliga xagaaga ee soo socda.

Marcos Llorente ayaa qaab ciyaareed aad u fiican ku soo bandhigay Atletico Madrid xilli ciyaareedkan, kaddib markii uu dhaliyay 9 gool, isla markaana uu saaxiibadiis ka caawiyay 8 gool kale, kaliya 28 kulan uu horyaalka La Liga ee dalka Spain uu ka ciyaaray.

Wargeyska ayaa ku sheegay warbixin uu maanta daabacay in Maamulka Red Devils ay la xiriireen saraakiisha kooxda Atletico Madrid si ay ugala hadlaan arinta ku aadan Marcos Llorente iyo suurtagalnimada uu ugu wareegi karo garoonka Old Trafford xagaaga.

Manchester United 'want Atletico Madrid star Marcos Llorente on loan' |  Daily Mail Online

Wararka ayaa waxay intaas ku darayaan in Manchester United ay miiska soo saartay 80 million euros si ay uga dhaadhiciso Atletico Madrid inay u ogolaato Marcos Llorente u dhaqaaqista garoonka Old Trafford.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here