Manchester City oo garoonkeeda Etihad kaga adkaatay kooxda Atletico Madrid

0
244

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Manchester City ayaa garoonkeeda Etihad guul kaga gaartay kooxda Atletico Madrid, kaddib markii ay kaga adkaatay 1-0, kulanka lugta hore wareega siddeeda ee Champions League.

Qeybta hore ee ciyaarta ayeey labada kooxood Manchester City iyo Atletico Madrid ku kala nasteen barbardhac 0-0 ah.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 70-aad kooxda Manchester City ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 1-0 ka dhigay laacibkooda khadka dhexe ee Kevin De Bruyne, kaddib markii ay caawin kaga timid saaxiibkiis Phil Foden.

Ugu dambeyntii kulankii lugta hore ee wareega siddeeda ee tartanka Champions League ayaa wuxuu ku soo idlaaday 1-0 ay kaga adkaatay Manchester City, kooxda Atletico Madrid oo ay booqatay garoonka Etihad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here