Manchester City oo garoonkeeda Etihad guul kaga gaartay kooxda Tottenham Hotspur

0
275

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Manchester City ayaa garoonkeeda Etihad guul raaxo leh kaga gaartay kooxda Tottenham Hotspur, kaddib markii ay kaga adkaatay 3-0, ciyaar qeyb ka ahayd kulamada toddobaadkan ee horyaalka Premier League.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1-0 ay ku hoggaamineysay kooxda martida loo ahaa ee Manchester City.

Daqiiqadii 23-aad kooxda Manchester City ayaa loo dhigay rigoore waxaana gool u badelay Rodri, dheesha ayaa sidaas ku noqotay 1-0 ay ku hoggaamineysay City.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

50 daqiiqo marka ay ciyaarta mareysay Ilkay Gundogan oo caawin ka helay saaxiibkiis saaxiibkiis Raheem Sterling ayaa wuxuu dheesha ka dhigay 2-0 ay ku hoggaamineysay kooxda Manchester City.

Daqiiqadii 66-aad Manchester City ayaa sii dheereysatay hoggaaminta ciyaarta kaddib markii uu Ilkay Gundogan ka dhigay 3-0, waxaana goolkan ka caawiyay Ederson Moraes.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku dhamaatay 3-0 ay Manchester City kaga adkaatay kooxda Tottenham Hotspur oo ku soo booqatay Etihad, sky blue ayaa haatan kaga hoggaamineysa kooxda kaalinta labaad fadhisa ee Leicester City 7 dhibcood nadiif ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here