Man United Vs Bayern Munich: Red Devils Oo Kaalinta Ugu Hoosaysa Kaga Dhamaysan Karta Champions League.

0
92

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Kooxda Man United ayaa marti galinaysa kooxda Bayern Munich kulan ka tirsan kulankii ugu dambeeyay ee wareega Group-yada champions League.

Man United ayaa u baahan in ay iska xaadiriso wareega xiga ee tartanka laakiin xaalka ku adag maadama ayna arimuhu ku jirin gacanteeda.

Dhinaca kale Bayern ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo wakhti hore xaqiiqsaday booskooda wareega xiga waxana ay kulanka ku soo galayaan niyad wanaagsan.

Kulanka: Man United Vs Bayern Munich

Tartanka: Champions League

Wakhtiga: 11:00

Garoonka: Old Trafford

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Man United ayaa badisay kaliya 2 kulan oo ka mid ah 12-kii kulan ee ay la ciyaartay Bayern Munich champions League iyaga oo ka badiyay final-kii 1999 iyo kulan garoonkeeda ahaa oo dhacay 2009/2010.

Bayern Munich ayaa badisay kaliya hal kulan oo ka mid ah 5-tii kulan ee ay martida u ahay Man United champions League iyaga oo 1/0 kaga badiyay United bishii Apirl ee 2001.

Guuldaro ayaa la macno ah in ay United ku dhamaysato kaalinta ugu hoosaysa ee Group-ka champions League, kaliya waxa jira 3 kooxood oo premier Legaue ah oo ku dhamaysta kaalinta ugu hoosaysa ee Group-kooda waana Blackburn, Man City iyo Man United.

Man United ayaa badisay hal kulan oo ka mid ah 4-tii kulan ee ay garoonkeeda ku ciyaartay champions League iyaga oo kulankii ugu dambeeyay kaga badisay kooxda Fc Cobenhaygen.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here