Man United Oo Xaqiijsay In Ay La Saxiixatay Cristiano Ronaldo

0
265

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Kooxda Man United ayaa si Rasmi ah u xaqiijisay in uu ay dib ula soo saxiixdeen xiddiga Cristaino Ronaldo kaas oo ay kala soo wareegeen kooxda Juventus.

Man United ayaa saacado gudohood ku dhamaystirtay saxiixa Cristiano Iyaga oo ku garaacay saxiixa xiddiga kooxda ay jaarka yihiin ee Man City.

Kooxda Juventus ayaa xaqiijisay in uu Cristiano Ronaldo ku soo laabtay kooxda kadib markii uu qalinka ku duugay heshiis 2 sano ah oo uu ku joogi doono Old Trafford.

Xiddiga 36 jirka ah ee reer Portugal Cristiano Ronaldo ayaa qalinka ku duugay heshiis ilaa xagaaga 2023 ah kaas oo uu kaga soo biiray Juventus.

Xiddiga Ronaldo ayaa haatan ku sugan magaalada Libson halkaas oo uu tijaabada caafimaadka ku mari doono ka hor inta uuna iman magaalada Manchester si loogu soo bandhigo taageerayaasha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here