Man United Oo War Fiican Ka Heshay Baacsiga Ay Ugu Jirtay Antony

0
167

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay rajo cusub ka heshay baacsiga ay ugu jirto weeraryahanka Ajax Antony.

22-sano jirkaan ayaa xilli ciyaareedkii hore qaab ciyaareed wanaagsan ku soo bandhigay kooxda heysata horyaalka Eredivisie, isagoo dhaliyay 12 gool, waxaana uu caawiyay 10 kale 32 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan.

Erik ten Hag ayaa xiddiga reer Brazil keenay kooxda Ajax sanadkii 2020 isaga oo kala soo saxiixday kooxda Sao Paulo tababaraha cusub ee Man United ayaa doonaya in uu xiddiga kula midoobo Old Trafford.

Man United ayaa u muuqata in ay war fiican ka heshay baacsiga ay ugu jirto saxiixa xiddiga iyada oo Ajax bilowday in ay raadiso badalkiisa iyada oo lala xidhiidhinayo xiddigo garabka ka ciyaara.

Kooxda Ajax ayaa lagu soo waramayaa in ay diyaar u tahay in ay iska iibiso xiddiga laakiin waxa ay dalbanaysaa lacag dhan 80 milyan oo euro taas oo ah mid ay United diidantahay.

Xiddiga Antony ayaa dhankiisa kooxda Ajax ku riixaya in ay u ogolaadaan in uu ku biiro kooxda man United si uu ula midoobo tababarihiisii hore.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here