Man United Oo Wali Doonaysa Saxiixa Xiddig Baxsad Ka Ah Barcelona.

0
311

Manchester United ayaa isha ku haysa inay qaab xor ah kula soo saxiixato xiddiga Barcelona Ousmane Dembele xagaaga soo socda xilli Red Devils ay u aragto xiddiga ugu fiican ee ay ku xoojin karto weerarkeeda.

Sida laga soo xigtay Sport, Man United ayaa Dembele ku riixaysa in uu iska diido heshiiska cusub ee ay Barcelona u soo bandhigtay iyada oo heshiiskiisa Camp Nou ee haatan dhici doono dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Barcelona ayaa ku kalsoon in ay sii haysan doonto xiddiga inkasta oo uuna si joogto ah ugu ciyaarin kooxda sabab la xidhiidha dhaawacyo soo gaadhay xiddiga tan ilaa markii uu yimid kooxda.

Kooxda Man United ee uu hogaaminayo tababare Ragnick ayaa Dembele u aragta xiddig hogaamin kara kooxda mustaqbalka fog waxana ay doonaysaa in ay qaab xor ah ku hesho xiddiga reer France.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here