Man United oo u gudubtay afar dhamaadka tartanka FA Cup kaddib markii ay guul ka gaartay kooxda Norwich City

0
377

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Manchester United ayaa u gudubtay afar dhamaadka tartanka FA Cup kaddib markii ay guul kaga gaartay kooxda Norwich City 1-2, kulan qeyb ka ahaa wareega siddeed dhamaadka ee tartankan.

Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa lagu kala maray bar-bardhac 0-0 ah oo ay isku dhaafi waayeen labada kooxood.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 51-aad Manchester United ayaa hogaanka u qabatay ciyaarta, waxaana 0-1 ka dhigay Odion Ighalo.

Laakiin daqiiqadii 75-aad Norwich City ayaa la timid goolka bar-bardhaca, waxaana 1-1 ka dhigay Todd Cantwell, iyadoo uu goolkan uu caawiyay Emiliano Buendia.

Waqtigii loogu tala galay ciyaarta ee 90-ka daqiiqa ayaa wuxuu ku soo idlaaday bar-baro 1-1 ah, waxaana loo baahday in ciyaarta lagu daro 30 daqiiqo dheeri ah si loo kala saaro labada kooxood.

Daqiiqadii 118-aad waqtigii dheeriga ahaa ee lagu daray ciyaarta kooxda Manchester United ayaa hogaanka u qabatay dheesha waxaana 1-2 ka dhigay Harry Maguire, kaddib markii uu goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Anthony Martial.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku soo dhamaatay 1-2 ah ay kaga adkaatay Manchester United kooxda Norwich City, guushaan ayaa ka dhigay in Unitedka ay u gudubtay afar dhamaadka tartanka FA Cup-ka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here