Man United Oo Oo Guuldarro Xanuun Leh Kala Kulantay Tottenham & Arsenal Oo U Dabaaldegeysa Wixii London Ka Dhacay

0
125

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Manchester City ayaa guuldarro xanuun badan ay ku soo gaartay London ka dib markii ay guuldarro 1-0 kala kulmeen kooxda Tottenham oo niyadjabisay tababare Pep Guardiola.

Gool uu qeybtii hore dhaliyay Harry Kane ayay Tottenham ku dubatay City, iyadoo Cristian Romero uu casaan ka qaatay Spurs dhamaadkii ciyaarta halka tababare Pep Guardiola uu eeday go’aankii uu keyd ku geliyay Kevin de Bruyne.

Manchester City ayaa iska qasaarisay fursad dahabi aheyd oo ay ugu dhawaan kareen koxda hogaanka heysa ee Arsenal oo shalay laga badiyay, laakiin weli waxay shan dhibcood ka danbeeyaan Gunners oo kulan uu u sii harsan yahay.

Pep Guardiola ayaa dad badan ka yaabiyay markii uu kursiga keydka dhigay xiddigiisa hal abuurka ee Kevin de Bruyne, laakiin waxay ciyaarta ku bilowdeen si fiican iyagoo kubada ka heystay Tottenham.

Balse daqiiqadii 15aad Tottenham ayaa heshay fursadeedii ugu horeysay ciyaarta markii uu Rodri baas daciif ah u dhiibtay Hojberg kaasoo la galay gudaha xerada ganaaxa ka hor inta uusan u dhigin Harry Kane oo taabashadiisii ugu horeysay ciyaarta kubada dabmariyay goolhaye Ederson.

Kane ayaa goolkaan ku dhigay rikoodh cusub isagoo noqday xiddigii abid ugu goolasha badnaa taariikhda Tottenham isagoo maraya 267 gool, waxa uu sidoo kale noqday xiddigii seddexaad ee taariikhda Premier League ee 200 gool dhaliya ka dib Alan Shearer iyo Wayne Rooney.

Tottenham ayaa mararka qaar ciyaareed kubad raacasho hal ka hal ah taasoo u diideysay City inay ciyaaraan kubadooda, waxay xitaa qasabtay in Haaland uu gadaal u soo dego si uu u soo raadsado kubada.

Dhamaadkii qeybta hore ayay Man City ku dhawaatay inay hesho goolka barbaraha markii karoos la soo dhigay oo uu madaxa ku taabtay Davies uu goolka hortiisa ku helay Riyad Mahrez kaasoo birta garaacay. Waxaa qeybtii hore lagu kala nastay 1-0 oo ay Tottenham hogaanka ku heysay iyadoo Man City ay si weyn u tabeysay KDB.

Bedelkii ay carcar ku bilaaban laheyd City qeybtii labaadm Tottenham ayay aheyd kooxdii kubada ku dheganeyd iyadoo Harry Kane uu fursad qaali ah qasaariyay.

Ugu danbeyn Guardiola ayaa qaladkiisa qirtay oo bedel ku soo geliyay Kevin de Bruyne isagoo bixiyay Riyad Mahrez daqiiqadii 58aad ee ciyaarta.

De Bruyne ayaana durbadiiba weerarka Man City hurdada ka kiciyay iyagoo bilaabay inay cadaadis weyn saaraan Tottenham kuwaasoo iyagana kubadaha rogaalceliska ah ku dilayay Man City.

Daqiiqadii 87aad Tottenham waxaa jaale labaad ka qaatay oo qasaan la siiyay Cristian Romero, iyagoo ciyaarta ku dhameystay 10 ciyaaryahan. Tababare ku xigeenka Tottneham ayaana durbadiiba bedelay Kuluveski isagoo soo geliyay Sanchez si uu u ciyaaro 5-3-1 oo ah inay difaacdaan goolka.

Waxay ciyaarta ku soo dhamaatay 1-0 oo ay Tottenham kaga badisay Manchester City

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here