Man United oo Old Trafford ku garaacday Norwich City

0
250

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Manchester United ayaa garoonkeeda Old Trafford saddexda dhibcood kaga qaadatay kooxda Norwich City, kaddib markii ay kaga adkaatay 3-2, ciyaar qeyb ka ahayd kulammada toddobaadkan ee horyaalka Premier League.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 2-1 ay ku hoggaamineysay kooxda martida loo ahaa ee Manchester United.

Daqiiqadii 7-aad Manchester United ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 1-0 ka dhigay weeraryahankooda Cristiano Ronaldo, kaddib markii uu caawin ka helay saaxiibkiis Anthony Elanga.

32 daqiiqo marka ay dheesha mareysay Cristiano Ronaldo oo ay caawin kaga timid Alex Telles ayaa wuxuu dheesha ka dhigay 2-0 ay ku hoggaamineysay Manchester United.

Laakiin daqiiqadii 45 + 1 kooxda Norwich City ayaa dhalisay gool waxaana 2-1 ka dhigay ciyaarta xiddigooda Kieran Dowell kaddib markii ay caawin kaga timid saaxiibkiis Teemu Pukki.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

76 daqiiqo marka ay ciyaarta ahayd Cristiano Ronaldo ayaa dhaliyay goolkiisa saddexaad ahna goolka saddexaad ee kooxda Manchester United, wuxuuna dheesha ka dhigay 3-2.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku dhammaatay 3-2 ay kaga adkaatay Manchester United, kooxda Norwich City oo marti ugu ahayd garoonka Old Trafford, Unitedka ayaa waxay ku jirtaa kaalinta 5-aad ee dhanka kala sareynta horyaalka waxayn leedahay 54 dhibcood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here