Man United Oo Loo Soo Bandhigay Fursad Ay Ku Heli Karaan Luka Jovic .

0
367

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Man United ayaa lagu waramayaa in loo soo bandhigay fursad amaah ah oo ay ku heli karaan weerarayahanka Real Madrid ee Luka Jovic

Wiilkaas ree Serbia cuqdad ayaa ku gashay Bernabeu tan iyo markii uu yimid xilli uu saaxib la noqday kursiga badalka , waxa uuna kooxdaas kaliya u dhaliyay lab gool.

Laacibkaas 22 sano jirka ah inkastoo uu saftay kulankii Real Betis ee todobaadkaan  hadana tababare Zidane diyaar ayuu u yahay in  Luka Jovic uu  ku fasaxo amaah kaasi oo Real ugu fadhiya aduun dhan 54 milyan oo euro.

Sida Daily Mail ay sheegsyo  Real ayaa United ku war gilisay in amaah ay ku heli karaan Luka Jovic haadii ay xiiseynayaan taasi oo gaareysa kaliya muddo hal xilli ciyaareed ah , lamana helin jawaabta ay United ka bixisay arintaas

Waxaase la ogsoon yahay in United ay  doonayaan in dhowr  boos kooxda ka xoojiyaan xagaagaan oo uu ku jiro dhanka weerarka waana suura gal in ay aqbalaan soo jeedinta Real maadaama haatan lala xariirinayo weeraryahankii hore PSG ee Cavani .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here