Man United oo ku dhawaaqday saxiixa Eriksen

0
176

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Manchester United ayaa maanta oo Jimco ah ku dhawaaqday in ay heshiis beeca xurta ah kula soo wareegtay Christian Eriksen, kaasoo kaga soo dhaqaaqay kooxda Brentford.

Eriksen ayaa kooxdiisa cusub ee Manchester United u saxiixay hishiis seddex sannadood ah uu ku joogayo garoonka Old Trafford.

Kaddib markii uu saxiixay heshiiska kooxdiisa cusub ee Manchester United ayuu Christian Eriksen ka hadlay dareenkiisa, wuxuuna yiri:

“Manchester United waa koox weyn, ma sugi karo inaan bilaabo waayaheyga kooxda.”

“Waxaan nasiib u lahaa inaan dhowr jeer ku ciyaaray garoonka Old Trafford laakiin inaan ku ciyaaro anigoo xiran maaliyada gaduudka ah waa dareen aad u wanaagsan.”

Christian Eriksen ayaa heshiis gaaban ugu biiray Brentford bishii Janaayo ee la soo dhaafay, wuxuuna ka caawiyay kooxda inay ku dhameysato horyaalka Premier League kaalinta 13-aad.

Waxaa xusid mudan in Manchester United ay ku dhameysatay horyaalka Ingiriiska xilli ciyaareedkii hore kaalinta lixaad, sidaas darteedna ay ka qeybgali doonto tartanka UEFA Europa League.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here