Man United Oo Ku Dhaw Saxiixa Xiddig Cusub Kadib Dhaawcii Mason Mount.

0
129

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Manchester United ayaa ku dhow inay la soo wareegto daafaca kooxda Nice ee Jean-Clair Todibo iyaga oo kula soo wareegaya lacag dhan 34.1 milyan euro sida ay sheegayaan wararka ka imanaya France.

Erik ten Hag ayaa isha ku haya inuu xoojiyo difaaciisa xagaagan, inkastoo kooxda ay ku guuldareysatay inay iska iibiso Harry Maguire.

United ayaa aqbashay dalab 30 milyan ah oo ay West Ham ku doonaysay Harry Maguire bilowgii bishan laakiin xiddiga ayaa diiday u dhaqaaqista Kooxda West Ham.

Maguire ayaa laga qaaday masuuliyada kabtanimada Man United bishii July waxana uu ka maqnaa kulankii ay Man United guuldarada 2/0 ah kala kulantay Tottenham sabtidii.

United ayaa bartilmaameed ka dhigatay xiddiga Bayern Munich ee Benjamin Pavard laakiin xiddiga ayaa u muuqda mid ku biiraya Inter Milan.

Red Devils ayaa ku qasbanaatay in ay meel kale eegto waxana ay bartilmaameedsanaysaa xiddiga Todibo kaas oo haatan la sheegayo in uu ku dhawyahay ku biirista Old Trafford sida laga soo xigtay L’Equipe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here