Man United Oo Joojisay Guulaha Arsenal,

0
160

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Man United garaacday Arsenal kulan xiiso lahaa oo ka dhacay Old Trafford kana tirsanaa horyaalka premier League.

Kooxda Man United ayaa si fiican ku bilaabatay ciyaarta iyaga oo cadaadis saaray Arsenal daqiiqadihii ugu dambeeyay xilli ay Arsenal difaac ku jirto.

Laakiin Arsenal ayaa gool dhalisay daqiiqadii 11-aad kadib markii uu xiddiga Martinelli goolka u dhaliyay kooxda Arsenal ciyaartana ka dhigay 1/0.

Si kasta ha ahaatee VAR ayaa soo dhex gashay isla markaas diiday goolka sabab la xidhiidha in uu xiddiga Odegaard khalad ku galay xiddiga Eriksen ka hor intii uuna goolka caawin.

Wixii intaas ka dambeeyay Man United ayaa dareentay khatarta Arsenal waxana ay galeen difaac iyada oo Arsenal la wareegtay maamulka ciyaarta.

Arsenal ayaa samaynaysay fursado fiican laakiin waxa ay ku dhibaatoodeen in ay gool u badalan fursadahaas.

Daqiiqadii 35-aad ayay Man United dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta waxana u dhaliyay xiddiga Cusub ee Antony kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa.

Arsenal ayaa wax walba u samaysay sidii ay u dhalin lahayd goolka bar-baraha laakiin Man United ayaa difaac fiican ku jirtay.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta oo ay Arsenal ahayd kooxda fiican laakiin Man United tahay kooxda hogaaminaysa natiijada ciyaarta.

Qaybta dambe ayay Arsenal si dar-dar leh ku bilaabatay ciyaarta iyaga oo raadinayay goolka bar-baraha ee ciyaarta.

Daqiiqadii 60-aad ayay Arsenal dhalisay goolka bar-baraha waxana u dhaliyay xiddiga Bukayo Saka kaas oo ciyaarta ku soo celiyay 1/1.

Man United ayaa difaac gashay waxana ay adeegsanayeen weeraro rogaal celis ah oo ay ku doonayeen in ay Arsenal goolal kaga dhaliyaan.

Kooxda Erik Ten Hag ayaa daqiiqadii 66-aad dhalisay gool kadib markii ay weerar rogaal celis ah ku qaadeen Arsenal oo weerar ku jirta waxana goolka u dhaliyay xiddiga Marcus Rashford.

Arsenal ayaa hadana bilowday in ay ku soo laabato ciyaarta iyaga oo qaadayay weeraro aan kala joogsi lahayn si ay u dhaliyaan goolka bar-baraha.

Man United ayaa mar kale ka faa’iidaystay weerarka rogaal celiska ah iyaga oo weerar orod ah ku qaaday Arsenal isla markaas xiddiga Marucs Rashford ayaa dhaliyay goolka 3-aad ee kooxdisa daqiiqadii 75-aad.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Man United joojisay Guulihii Arsenal isla markaas dhabarka u saartay guuldaradii ugu horaysay ee horyaalka premier League.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here