Man United oo iska lumisay fursad ay ku qaban kartay hoggaanka horyaalka

0
281

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Man United ayaa iska lumisay fursad ay ku qaban kartay hoggaanka horyaalka kaddib guuldarro 1-2 ah oo ay kala kulantay Sheffield United, ciyaar qeyb ka aheyd kulamada Isbuuca 20-aad ee horyaalka Premier League.

Qeybta hore ee dheesha ayaa lagu kala nastay 0-1 ay ku hoggaamineysay kooxda martida aheyd ee Sheffield United.

Daqiiqadii 23-aad Sheffield United ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 0-1 ka dhigay xiddigooda Kean Bryan, kaddib markii uu caawin gees ka laad ah uu ka helay saaxiibkiis John Fleck.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 64-aad Manchester United ayaa la timid goolka barbardhaca waxaana 1-1 ka dhigay Harry Maguire, oo caawin gees ka laad ah ka helay Alex Telles.

Laakiin 74 daqiiqo marka ay ciyaarta aheyd kooxda Sheffield United ayaa markale hoggaanka u qabatay dheesha waxaana 1-2 ka dhigay Oliver Burke, oo caawin ka helay saaxiibkiis John Lundstram.

Ugu dambeyntii dheesha ayaa ku dhamaatay 1-2 oo ay Sheffield United kaga soo adkaatay kooxda Manchester United oo ay ku booqatay garoonka Old Trafford.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here