Man United Oo guul ka gaartay LASK Iskana Xaadirisay 8 Dhamaadka Europa League & Inter Milan Oo Goosatay Tigidhkeeda Wareega Xiga Ee Tartanka.

0
275

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Kooxda Man United ayaa iska xaadirisay wareega 8 dhamaadka tartanka Europa League kadib guul 2/1 ah oo ay ka gaadheen  kooxda LASK kulan ka dhacay garoonka Old Trafford.

Kulanka ayaa ahaa mid uu Solskjaer ku sameeyay is badal weyn isaga oo kaydka dhigay xiddigaha muhiimka u ah kooxda kuna bilaabay xiddigaha aan inta badan ciyaarin.

Kulanka ayaa ahaa mid isku dheeli tiran iyada oo kooxda LASK iska caabisay kooxda Man United waliba fursado halis galisay ku samaysay kulanka.

Dhanka kale Man United ayaa u muuqatay mid aan ahayn kooxdii sida cajiibka ahayd u ciyaartay kulankii ugu dambeeyay ee premeir League ee Leicester City.

Ighalo oo hogaaminayay weerarka Man United ayaa ku dhibaatooday in uu buuxiyo biiska xiddigaha Rashford, Martial iyo Greenwood.

Qaybtii hore ee ciyaarta labada kooxood ayaa ku kala baxay bar-baro gool la’aan ah inkasta oo ay labadooduba fursado fiican sameeyeen.

Kooxda LASK oo fursado badnayd ayay ka maqnayd dhamaystirka iyaga oo marka ay goolka la hor tagaan ku fashilmayay in ay shabaqa dhex-dhigaan.

Laakiin daqiiqadii 55-aad ayay kooxda LASK Dhalisay goolka 1-aad dhalisay kadib markii uu goolka u dhaliyay xiddiga Philipp Wiesinger kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/0.

Laakiin Man United ayaan wax badan ka dambayn kooxda LASK Waxana ay isla 2 daqiiqo kadib dhaliyeen goolka ba-baraha.

Daqiiqadii 57-aad ayuu xiddiga Jesse Lingard dhaliyay goolka bar-baraha ee kooxda Man United isaga oo ciyaarta ka dhigay 1/1.

Daqiiqadii 88-aad ayay Man United dhalisay goolka 2-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Anthony Martial oo badal ku soo galay ciyaarta.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Man United 7/1 isaga xaadirisay wareega xiga marka la isku daro goolasha 2 lugood.

Dhanka kale kooxda Inter Milan ayaa iska xaadirisay wareega 8 dhamaadka Europa League kadib guul ay ka gaadhay kooxda reer Spain ee Getafe.

Kulankan ayaa ahaa mid ka duwan kulamada kale marka loo eego in la ciyaarayay hal kulan oo kaliya sabab la xidhiidha in lugtii 1-aad ee kulanka la joojiyay sabab la xidhiidha xanuunka Korona bishii February sidaas darteed kulanku waxa uu ahaa hal kulan oo kaliya waxana ay Inter Milan ku badisay 2/0 ay kala dhaliyeen Romelu Lukaku & Christian Eriksen waxana ay sidaas kooxdooda ugu hogaamiyeen wareega 8 dhamaadka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here