Man United Oo Garaacday Burnley Iskana Xaadirisay 8 Dhamaadka Carabao Cup-ka

0
115

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Man United ayaa guul ay u qalantay ka gaadhay kooxda Burnley kulan ka dhacay Old Trafford kana tirsanaa wareega 16-ka Caraboa cup-ka.

Red Devils ayaa iska xaadirisay wareega 8 dhamaadka tartanka kadib markii ay u awood sheegatay kooxda Burnley.

Kulanka ayaa ahaa mid ay Man United ku fiicantahay dhinac walba xilli ay doonayeen in ay dhaliyaan goolal wakhti hore ah.

Goolal ay kala dhaliyeen Christian Eriksen iyo Marcus Rashford ayay Red Devils guusha ku xaqiijisatay.

Tababare Erik ten Hag ayaa ku soo bilaabay qaar ka mid ah xiddigihiisa ka qeyb galay Koobka Adduunka sida Casemiro, Marcus Rashford, Fernandes iyo Christian Eriksen iyadoo Casemiro laga ciyaarsiiyay booska daafaca dhexe.

Man United ayay ku qaadatay daqiiqadii 27aad inay hogaanka u qabato ciyaarta markii Erik Wan-Bissaka uu sameeyay caawin cajiib ah isagoo isku kala jiiday kubad uu u dhigay Christian Eriksen oo si raaxo leh u dhameystiray.

Ciyaartaan ka hor Wan-Bissaka waxa uu Erik ten Hag ka hoos ciyaaray kaliya afar daqiiqo laakiin kulankii caawa wuxuu soo bandhigay qaab ciyaareed uu isku tusayo macalinkiisa doonaya inuu ka baxo albaabka Old Trafford.

Goolhayaha Man United Dubravka ayaa ceeb ka badbaaday qeybtii labaad markii uu soo baxay si kubad u ceshto laakiin waa uu seegay waxaase badbaadiyay Casemiro iyadoo waqti yar ka dib uu hadana qalqal ku galay baas loo celiyay.

Qeybtii hore goolkaas ayaa lagu kala nastay, laakiin Manchester United ayaa guusha xaqiijisatay daqiiqadii 57aad markii Marcus Rashford uu kubad ka soo jiiday qeybta garoonkiisa, waxa uu kubada la soo garab maray dhowr ciyaartooy oo Burnley ah ka hor inta uusan shabaqa ku aasin.

Burnley ayaa qeybtii labaad fursado heshay gaar ahaan weeraryahankooda Ashley Barnes laakin waa ay ku guuldareysteen inay shabaqa soo taabtaan, waxayna ciyaarta ku dhamaatay 2-0 oo ay Manchester United ku badisay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here