Man United Oo Garaacday Barcelona Iskana Xaadirisay Wareega Xiga Ee Europa League.

0
146

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Kooxda Man United ayaa iska xaadirisay wareega Xiga ee tartanka Europa league kadib markii ay garaacday kooxda Barcelona kulan ka dhacay Old Trafford.

Kulanka ayaa ahaa mid ay labada kooxood kala qaybsadeen iyada oo koox walba qayb ahayd kuwa fiican kaan awood badnaayeen kuwa kale.

Barcelona ayaa u awood sheegatay Man United qaybta hore ee ciyaarta iyaga oo wax walba kaga fiicnaa una qalmay in ay goolal inta ay dhaliyeen in ka badan dhaliyaan.

Kooxda Barcelona ayaa daqiiqadii 18-aad dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta waxana u dhaliyay xiddiga Robert Lewandowiski kaas oo gool u badalay rikoodhe loo dhigay kooxdiisa.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay Barcelona ahayd kooxda fiican kana awood badnayd kooxda Man United kuwaas oo aan si fiican u ciyaarin.

Qaybta dambe ayay Man United si dar-dar leh la soo gashay ciyaarta iyaga oo doonayay in ay ciyaarta ku soo laabtaan isla markaas dhaliyaan goolka bar-baraha.

Daqiiqadii 47-aad ayay Man United dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta ahna goolka bar-baraha waxana u dhaliyay xiddiga Fred kaas oo ciyaarta ku soo celiyay kooxdiisa.

Wixii intaas ka dambeeyay Man United ayaa ahayd kooxda fiican iyaga oo cir iyo dhul u diiday koxda Barcelona kuwaas oo xitaa wax weerar ah qaadi kari waayay.

Daqiiqadii 73-aad ayay Man United dhalisay goolks 2-aad waxana u dhaliyay xiddiga Antony kaas oo hogaanka u dhiibay ciyaarta kooxdiisa kana dhigay 2/1.

Barcelona ayaa isku dayday in ay ciyaarta ku soo laabato isla markaas dhaliso goolka bar-baraha laakiin United ayaa si fiican u difacatay goolkeeda.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Barcelona ka hadhay tartanka xilli United iska xaadirisay wareega xiga ee Europa League

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here