Man United Oo Doonaysa In Ay Dheeraystaan Rikoodh Cajiib Ah Kulanka Aston villa.

0
55

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Manchester United ayaa dooneysa inay sameyso rikoor 45-sano ah marka ay la ciyaaraan Aston Villa maalinta Boxing Day-ga.

Isbuuc dhamaadkii, Red Devils ayaa xaqiijisay in Sir Jim Ratcliffe uu iibsaday saamiga %25 ee kooxda Man United.

Waxaa jirta rajo ah in Erik ten Hag uu awoodi doono inuu isbedel ku sameeyo shaxdiisa koowaad inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga ee soo socda ee January, laakiin tababaraha reer Holland waa inuu marka hore diirada saaraa inuu isku dayo inuu isbedel joogto ah ku sameeyo qaab ciyaareedka kooxdiisa.

United ayaa seddex kulan oo xiriir ah horyaalka Premier League guul la’aan iyo wax gool ah ka dhalin, taasoo keentay inay hoos ugu dhacaan kaalinta sideedaad ee kala sarreynta.

United ayaa haatan Marti galin doonta Aston villa iyaga oo guul la’aan ah isla markaas aan Gool Dhalin.

Man United ayaa ilaa haatan garoonkeeda Old Trafford ku ciyaartay 19 kuln maalinta Boxing day-ga iyada oo aan Laga badin waxana ay badiyeen 16 kulan Halka ay bar-baro galeen 3-da kale.

Waxa Intaaa dheer in ay United badisay kulamada ugu badan Boxing day-ga iyaga oo badiyay 53.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here