Man United Oo Barcelona Kula Biirtay Tartanka Badalka Darwin Nunez.

0
170

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Manchester United ayaa diyaar u ah inay kula biirto kooxaha Barcelona iyo Chelsea tartanka loogu jiro weeraryahanka ay doonayaan Robert Lewandowski ka dib markii lagu garaacay saxiixa Darwin Nunez.

Tababaraha Cusub ee Erik Ten Hag ayaa doonaya in uu xoojiyo weerarkiisa ka hor bilaabashada xilli ciyaareedka cusub waxana uu bartilmaameed ka dhigtay Nunez.

Laakiin Nunez oo dhaliyay 34 gool 41 kulan oo uu u ciyaaray Benfica xilli ciyaareedkii hore waxana uu haatan ku dhawyahay in uu ku biiro kooxda Liverpool.

Arintaas ayaa keentay in ay Man United haatan dareenkooda u jeediso saxiixa xiddiga badalkiisa ah wargayska The Sun ayaana sheegaya in ay Man United bartilmaameed ka dhigatay xiddiga Bayern Munich ee Lewandowski.

Lewandowski ayaa qirtay in uu doonayo isaga tagista kooxda Bayern Munich waxana aad loola xidhiidhinayay kooxda Barcelona.

Laakiin Man United ayaa haatan doonaysa in ay Barcelona ku garaacdo saxiixa xiddiga Lewandowski si ay ugu badasho Nunez ka hor bilaabashada xilli ciyaareedka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here