Man United Fred U Adeegsanaysa Saxiixa Xiddig Ka Ciyaara Premier League.

0
132

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Kooxda Man United ayaa lagu soo waramayaa in ay xiddiga Fred u soo bandhigayso kooxda Fulham si ay badalkooda u helaan xiddiga khadka dhexe ee Palhinha.

Man United ayaa isku diyaarinaysa in ay xoojiso khadka dhexe inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaaga iyada oo uu Erik Ten Hag doonayo in uu xoojiyo kooxdiisa.

Fred ayaa la filayaa in uu isaga tago kooxda Man United suuqa xagaaga si uu u raadsado koox uu joogto ugu ciyaaro xilli ciyaareed dambe.

Wargayska The Sun ayaa sheegaya in ay Man United diyaarinayso dalab lacageed oo dhan 50 milyan oo euro iyo waliba xiddiga Fred si ay u hesho saxiixa Palhinha.

Xiddiga Palhinha ayaa door muhiim ah ka ciyaaray qaab ciyaareedka fulham ee xilli ciyaareedkii dhamaaday waxana uu kooxda ka caawiyay in ay meel fiican kaga dhamaysato horyaalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here