Man Cty oo hanatay markii labaad xiriir ah horyaaalka Premier League

0
297

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Manchester Cty ayaa hanatay markii labaad oo xiriir ah horyaaalka Premier League, kaaddib markii ay guul soo laabasho ah cajiib ah kaga gaaray Aston Villa 3-2, kulankoodii ugu dambeeyay horyaalka xilli ciyaareedkan.

Qeybta hore ciyaarta ayaa lagu kala nastay 0-1 ay ku hoggaaminyay kooxda martida ahayd ee Aston Villa.

Daqiiqadii 37-aad kooxda Aston Villa ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 0-1 ka dhigay laacibkooda M. Cash kaddib markii uu ka caawiyay saaxiibkiis L. Digne.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

69 daqiiqo kooxda Aston Villa ayaa dhalisay goolkeeda labaad waxaana 0-2 ka dhigay Coutinho oo caawin ka helay saaxiibkiis Watkins.

Daqiiqadii 76-aad Manchester City ayaa dhalisay gool waxaana 1-2 ka dhigay ciyaarta I. Gundogan kaddib markii ay caawin kaga timid saaxiibkiis R. Sterling.

78 daqiiqo Rodri ayaa dheesha k dhigay garbo siman 2-2, waxaana goolkan ka caawiyay O. Zinchenko.

Gundogan oo ay caawin kaga timid saaxiibkiis K. De Bruyne ayaa daqiiqadii 81-aad wuxuu hoggaanka u dhiibay kooxdiisa Manchester City, uxuuna ciyaarta ka dhigay 3-2.

Ugu  dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay 3-2 ay kaga adkaatay Manchester City kooxda Aston Villa oo marti ugu ahayd garoonka Etihad, City ayaa loo caleemo saaray ku guuleysiga koobka horyaaalka Premier League xilli ciyaareedka 2021/22, kaddib markii ay uruursatay dhibco dhan 93 dhibcood.

Haddaba halkan hoose ka eeg natiijooyinka dhammaan kulammadii ugu dambeeyay ee laga ciyaaray horyaaalka Premier League xilli ciyaareedka 2021/22.

Premier League England

Arsenal 5-1Everton

Brentford 1-2 Leeds United

Brighton & Hove Albion 3-1 West Ham United

Burnley 1-2 Newcastle United

Chelsea 2-1 Watford

Crystal Palace 1-0 Manchester United

Leicester City 4-1 Leicester City

Liverpool 3-1 Wolverhampton Wanderers

Manchester City 3-2 Aston Villa

Norwich City 0-5Tottenham Hotspur.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here