Man City Oo Wajahaysa In Laga Reebo Champions League

0
95

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Manchester City ayaa wajaheysa in laga saaro tartanka champions League xilli ciyaareedka dambe iyada oo ay uga mahadcelinayaan qaab ciyaareedka fiican ee Girona ee LaLiga – tallaabo u fureysa albaabka kooxda ay xafiiltamaan ee Manchester United si ay ugu soo baxdo tartanka.

Sida uu dhigayo sharciga UEFA ee hadda, laba kooxood oo ay isku shirkad leeyihiin kama tartami karaan tartanka labada kooxood ee City iyo Girona waxa iska leh kooxda City Football Group.

CFG ma heli doonto inay doorato kooxda ka soo muuqan doonta Champions League, iyadoo UEFA taa beddelkeeda go’aansanaysa iyadoo lagu saleynayo dhammaadka horyaalkooda.

City ayaa ku jirta xilli ciyaareed aad u adag oo horyaalka Premier League ah, iyagoo ku jirta kaalinta 4-aad ee kala saraynta horyaalka, Halka ay Girona hogaaminayso horyaalka La Liga.

Kooxda Girona oo ay leedahay City Football Group 47% ayaa garaacday Barcelona waxana ay 2 dhibcood ku hogamainaysaa horyaalka La Liga.

Arintan ayaa Man City ku keenaysa cadaadis ah in ay seegto tartanka champions Legaue xilli ciyaareedka dambe hadii ayna soo bandhigin qaab ciyaareedka ka fiican midka Girona.

Horyaalka Premier League waxa ay u badan tahay in uu yeelan doono ugu yaraan shan kooxood iyada oo 4 ay si toos ah ugu so bixi doonaan halka ay kooxda 5-aad ku heli karto boos dheeraad ah.

Tani waxay la macno tahay in koox kasta oo shanta ugu sareysa ku jirta ay fursad u helayso in ay Man City ka badasho booska hadii laga saaro Kooxda Pep Guardiola.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here