Man City Oo Samaysay Taariikh Ay Kaliya 3 Koox Kaga Horeeyeen Champions league.

0
100

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)kooxda Man City ayaa ku guulaysatay tartanka champions league kadib markii ay garaacday kooxda Inter Milan kulan ka dhacay Istanbul.

Gool uu dhaliyay Rodri ayaa Man City ku hogaamiyay koobkii ugu horeeyay ee tartanka champions league.

kadib ku guulaysiga koobka Man City ayaa iska qortay taariikhda tartanka.

Kooxda Man City ayaa koobka ku qaaday guuldaro La’aan iyaga oo aan wax guuldaro ah la kulmin xilli ciyaareedka champions league oo dhan.

kooxda man City ayaa ciyaartay 13 kulan tartanka champions league xilli ciyaareedkii dhamaaday.

Man City ayaa badisay 8 kula halka ay bar-baro gashay 5 kale isla markas aan laga badin wax kulan ah.

Sidaas darteed waxa ay noqotay kooxdii 4aad ee sidaas samaysa kadib kooxaha Man United, Barcelona iyo Bayern Munich.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here