Man City Oo Qorshe Cusub Ula Tageysa Tottenham Si Harry Kane U Helaan Xagaaga

0
517

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Macalinka Man City ee Pep ayaa lagu waramayaa  in uusan dhib ku qabin  in xiddigiisa Jesus uu qeyb kaga dhigo  saxiixa ay ku doonayaan Harry Kane

Harry ayaa u sheegay kooxdiisa in uu doonayo in xagaaga uu baxo iyadoo go`aankiisa kama dambeysta ah uu ku war giliyo marka tartanka koobka qaramada yurub uu dhamaado.

City ayaa diyaar u ah in 100 milyan u geeyaan Tottenham waliba Jesus-na qeyb uga dhigaan qorshaha laacibkaas maadaama Tottenham ku dhagan tahay adun dhan 150 milyan

Wararka qaar waxa ay leeeyihiin , madaxweynaha Tottenham Levy uu ku dhagan yahay in uu helo lacag cadaan ah oo gaareysa 150 milyan

Arintaan ayaa imaaneysa xilli Juve ku soo biireen loolanka maadaama u badan tahay in Ronaldo ka huleelo kooxdaas

Gazzetta Dello Sport ayaa sheegeysa in City ka go`an tahay saxiixa  Harry Kane inta suuqa xagaaga furan yahay ,

Jesus ayaa City u saftay 195 kulan.= waxa uu ku dhaliyay 82 gool dhamaan tartamada uu City kala qeyb qaatay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here