Man City Oo Isku Diyaarinaysa In Ay Dalab Ka Gudbiso Declan Rice.

0
111

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Manchester City ayaa la filayaa inay dalab furitaan ah ka gudbiso xiddiga khadka dhexe ee West Ham Declan Rice Maanta Oo Khamiis Ah.

Arsenal ayaa laga diiday dalab 90 milyan ah oo ugu dambeeyay una dhignaa (75 milyan oo toos ah iyo 15 milyan oo Guno ah) laakiin Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay diyaarinayso dalab cusub.

Sida laga soo xigtay wargayska The Athletic, Man City ayaa sidoo kale si dhab ah u doonaysa saxiixa xiddiga waxana ay haatan isku diyaarinaysaa in ay dalab ka gudbiso xiddiga.

City ayaan ku dhaw in ay dhamaystirto saxiixa xiddiga Mateo Kovacic laakiin bixitaanka Ilkay Gundogan ayaa keenaysa in ay dareenkooda u jeediso Rice.

Tababare Pep Guardiola ayaa taageere u ah xiddiga khadka dhexe waxana uu doonayaa in uu kooxdiisa ku soo daro inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaag.

Ilaa haatan Rice ayaa la sheegayaa in uu doonayo in uu ku biiro kooxda Arsenal maadama uu wakhti hore la gaadhay heshiiska shaqsiga ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here