Man City Oo Iska Xaadirisay Wareegga 8-da FA Cup-ka.

0
442

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Man City ayaa u gudubtay wareegga 8-aad ee FA Cup-ka ka dib guul ay ka gaareen Peterborough United

Qeybta hore waxaa lagu nastay bilaa goolal xilli kooxda Peterborough ay mararka qaar halis gilinayeen City kuwaasi oo dhankooda daafac adag wajahayay

City waa ku badnaayeen maamulka kubadda balse xalka ayaa ka maqnaa kaasi oo yimid qeybta labaad ka dib laba kubad oo uu ka shaqeeyay Foden

City qeybta hore waxaa daafacooda ka muuqday dabacsanaan taasi oo keentay in macalinka horay u so giliyo soo laabashadii Laporte iyo Stones oo loo saaray Ake iyo Dias

Ka dib badaladaas , City waxa ay kubadda gaarsiinayeen aagga goosha kooxda ay martida u ahaayeen illaa ay keeneen gool daqiiqadii 60-aad iyo 67-aad waxaana kala saxiixay Riyad iyo Grealish waxaana ka shaqeeyay Foden

Peterborough United isku dayo ayay sameynayeen balse waxaa dilayay go`aan qaadasho deg deg ah  inkastoo labaa fursad xaqiiq ah uu  u diiday goolhayaha Man City

City iyna goolal dheeraad ah ayay raadinayeen balse waxaa ka muuqday xoogaa daal waxa ayna halista kubadooda ka socotay garabka middig .

Si waliba waxa ay ciyaarta ku dhamaatay labadaas gool ee ay City ku gudbeen waxaana xusid mudan in qeybta labaad ay aad u wacnaayeen kooxda Pep

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here