Man City oo iska xaadirisay finalka Champions League

0
234

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Manchester City ayaa iska xaadirisay finalka tartanka UEFA Champions League kaddib markii ay ku garaacday kooxda Paris Saint-Germain oo marti ugu aheyd garoonka Etihad 2-0, kulankii lugta labaad ee wareega afar dhammadka, taasoo ka dhigan in cel-celis ahaan labada kulan ay ku adkaatay Sky Blue 4-1.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1-0 ay ku hoggaamineysay kooxda Manchester City.

Daqiiqadii 11-aad Manchester City ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 1-0 ka dhigay Riyad Mahrez.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

63 daqiiqo marka ay ciyaarta mareysay Riyad Mahrez oo caawin ka helay saaxiibkiis Phil Foden ayaa ciyaarta ka dhigay 2-0 ay ku hoggaamineysay kooxda Manchester City.

69 daqiiqo marka ay ciyaarta mareysay xiddiga kooxda Paris Saint-Germain ee Angel Di Maria ayaa qaatay kaarka roosaha toos ah, taasoo ka dhigtay in PSG ay ku ciyaarto 10 xiddig.

Ugu dmabeyntii ciyaarta ayaa ku dhamaatay 2-0 ay kaga adkaatay Manchester City kooxda Paris Saint-Germain oo marti ugu aheyd garoonka Etihad, Sky Blue ayaa iska xaadirisay finalka tartanka UEFA Champions League, iyadoo sugi doonta kooxdii soo baxda Real Madrid iyo Chelsea oo habeen dambe balansan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here