Man City oo guuldarro kala soo kulantay kooxda Southampton oo ay booqatay

0
352

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Manchester City ayaa guuldarro kala soo kulantay kooxda Southampton oo ay ku booqatay garoonka St. Mary’s, kaddib markii loogu soo awood sheegtay 1-0 kulan qeyb ka ahaa horyaalka Premier League ee dalka England.

Qeybta nasashada ayaa lagu kala maray 1-0 ay ku hoggaamineysay kooxda martida loo ahaa ee Southampton.

Daqiiqadii 16-aad kooxda Southampton ayaa hoggaanka u qabatay dheesha waxaana 1-0 ka dhigay laacibkooda Che Adams.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Balse ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku soo dhamaatay 1-0 ay kaga adkaatay Southampton kooxda Manchester City oo marti ugu aheyd garoonka St. Mary’s.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here