Man City Oo Guuldaro Ku Bilaabatay Kulamada Isku Diyaarinta Xilli Ciyaareedka Cusub.

0
29

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Man City ayaa ciyaartay kulankeedii ugu horeeyay ee saaxiibtinimo ee ay isugu diyaarinaysay xilli ciyaareedka cusub.

City ayaa la ciyaartay kooxda Celtic ee ka ciyaarta horyaalka Scotland waxana ay kala kulantay guuldaro.

Pep Guardiola ayaa kulanka ku soo galay shax xiddigo da’yar ah u badan yihiin inkasta oo ay ku jireen xiddigo kooxda 1-aad ah.

Haaland, Grealish, Kalvin Phillipes ayaa ka mid ahaa xiddigaha kooxda 1-aad ee ka qayb galay kulanka.

Man City ayaa looga badiyay 4/3 kulan ka dhacay dalka America oo ay labada kooxood isugu diyaarinayeen xilli ciyaareedka.

Xiddigaha Perreone, Haaland iyo Bobb ayaa dhaliyay goolasha Man City kulan uu Guardiola markii ugu horaysay tijaabiyay xiddigaha kooxdiisa kulan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here