Man City Oo Guul Ka Gaartay Arsenal

0
285

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Raheem Sterling, Kevin De Bruyne and Phil Foden ayaa bartilmaameedsaday shabaqa xilli kooxdooda manchester City ay 3-0 kaga adkaatay Arsenal ciyaar ka dhacday Etihad Stadium.

Waxa ay soo laabasho aan farxad laheyn u aheyd kaaliyihii hore ee macalinka Man City oo haddana ah hoggaamiyaha Arsenal Mikel Arteta oo goor sii horreysay laga helay COVID-19.

Sterling ayaa dhaliyay goolka 1-aad waqtiga dheeriga ee lagu daray qeybta hore ee cayaarta sidaasna waxaa 1-0 lagu aaday nasiinada, iyadoo Man City hogganka ay heyso.

David Luiz ayaa qaatay kaarka casaanka ah daqiiqaddii 49 aad ee cayaarta kaddib qalad uu galay.

Xidigga Manchester City ee De Bruyne ayaa gool rigoore ah isna dhaliyay daqiiqaddii 51-aad ee cayaarta sidaasna natiijada uga dhigay 2-0 oo Arsenal lagu hoggaamiyay.

Kulnak weyn ee Etihad ka dhacay ayaa lagu soo xiray gool 3-aad oo Man City ku go’aamisay in Sadexdeda dhibcood si xarrago leh uga qaadatay Arsenal, goolka 3-aad ayaa waxaa dhaliyay Phil Foden daqiiqaddii 90-aad oo loo yaqaano watiga dhimashada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here