Man City Oo Dalab Lacageed Iyo Laba Ciyaartooy Ah Ka Geyneysa Saxiixa Messi

0
470

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Man City ayaa damacsan in ay dalab ka geeyaan saxiixa Messi si ay farsamadiisa u helaan inta suuqa xagaaga 2020-ka uu furan yahay

Messi ayaa xalay shaaca ka qaaday in uu ka tagayo kooxdaas xilli Barcelona iyana dhankooda xaqiijiyeen in Messi warqadda bixitaanka uu soo gudbiyay

Dhowr koox ayaa lala xariirinayaa Messi waxaana ka mid ah Man City , Inter , PSG iyo Man United

Radio Catalonia ayaa sheegaya in City ay tahay kooxda sida dhabta ah u dooneysa saxiixa Messi arinkaasina uu ka shaqeynayo macalinkiisii hore ee Pep

City ayaa haatan diyaarisay dalab lacageed oo ay ku sii darayaan laba ka mid ah xiddigaha kooxdaas ka dhisan qalcadda etihad

Warka waxa uu intaas ku darayaa in labadaas laacib ay kala yihiin Jesus iyo Eric Garcia sida ay soo xiganeyso idacaadaas Spain laga leeyahay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here