Man City Iyo Arsenal Oo Looga Digay Man United Kadib Guushii Carabao Cup-ka.

0
164

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Gary Neville ayaa uga digay kooxaha sida Arsenal iyo Manchester City in kooxda Khatarta ah ee Man United ay ka daba iman doonto mustaqbalka dhaw kadib final-kii Carabao cup-ka.

United ayaa 2-0 ku garaacday Newcastle axadii garoonka Wembley iyagoo ku guuleystay koobkoodii ugu horreeyay tan iyo Europa League 2017, waxaana u dhaliyay Casemiro gool madax ah iyo gool uu iska dhaliyay Sven Botman.

Waa Koobkii ugu horeeyay ee Erik Ten Hag iyada oo kooxdu u muuqdto mid is badal weyn ku dhacay tan ilaa markii uu kooxda yimid.

Red Devils ayaa wali ku tartamaysa koobabka FA Cup, Europa League iyo Premier League oo ay 8 dhibcod ka horayso hogaamiyayaasha horyaalka ee Arsenal.

“Dhamaadkii xilli ciyaareedkii hore, qaar ka mid ah ciyaartoydaas waxay ka mid ahaayeen koox aan ku calaamadiyay ceeb aniga iyo taageerayaasha kale ee Man Utd” ayuu Neville u sheegay Sky Sport.

“Waxa ay ahayd mid ay xuntahay in la daawado, waxa ay ahaayeen kuwo kala qaybsan, shaqada uu Ten Hag qabtay waa mid cajiib ah”.

“Haatan uma dhawa Arsenal iyo Man United laakiin waxa ay qabanayaan wax aan marna sawiran 6 bilood ka hor”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here