Magaalada Baydhabo Ee Xaruunta Gobalka Baay Oo Maanta si weyn Loogu Ciiday.

0
395

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Maanta oo ay Taariikhda Hijriyadu ku beegan tahay 10-ka Bisha Carafo Sanadka 1441-ka, kuna beegan 31 July 2020-ka Miilaaddiyada, waxaa inta badan Dunida Islaamka looga dabaaldegayaa Maalinta Koowaad ee Ciidul Adxaa.

Dalka Soomaaliya oo ka mid ah Dunida Islaamka ayaa sidoo kale ka mid ah meelaha sida weyn loogu Ciidayo, iyada oo ay Shacabku ay isu dirayaan hambalyada Munaasabadda Ciidul Adxa, kuna faraxsan sidii ay u ciidayaan maalinta Koowaad ee Ciida.

Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka baay ayaa xilli hore oo Saakay ah laga maqlay Takbiirta Masaajidyada ku yaalla.

Warkan waxaa inoo haya Sayid Ali Muuse Ateera

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here