Madxweyne Farmaajo oo ka qeyb galay qalinjabinta dufcada 20-aad ee Jaamacadda Umadda

0
444

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta ka qeyb galay munaasabad ballaaran oo ay ku qalin jabinayeen dufcada 20-aad ee jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.

Munaasabadda waxaa lagu martiqaaday goob joogna ka ahaa wasiirro, xildhibaanno, safiirro, khubaro wax ka dhigta jaamacadaha dunida, iyo Bahda waxbarashadda dalka.

Intii ay socotay xafladda masuuliyiinta jaamacadda ayaa soo bandhigay guulaha ay jaamacaddu gaartay oo ay ugu horreyso dadaalka ay u gashay in ay soo saarto arday Soomaaliyeed oo leh aqoon ku filan oo ay dalkooda wax ugu qabtaan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa gabagabadii xafladda dardaaran u mariyay ardayda qalinjabisay wuxuuna kula taliyay in ay yeeshaan qorshe iyo hadaf ay wax ugu qabtaan naftooda, iyo dalkooda isagoona faray in looga baahanyahay in ay gudaan deynta lagu leeyahay maadaama ay si lacag la’aan ah dowladoodu wax u bartay.

Ardayda maanta qalinjabisay ayay tiradoodu gaareysaa 131 arday oo ka qalinjabiyay kulliyado kala duwan.

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo ka mid aheyd Hay’adihii dalkeena ee ku burburay dagaaladii sokeeye ayaa dib loo howl galiyay sanadkii 2014-kii

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here