Madaxweynihii hore ee Kooxda Real Madrid oo Isbitaal loo dhigay sabab la xiriirta caabuqa Coronavirus

0
310

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Fernando Martin oo mar noqday madaxweynaha Real Madrid sanadkii 2006 si ku meel gaar ah ayaa qiray inuu iska dareemayo calaamadada xanuunka coronavirus isagoo ku sugan Isbitaalka Puerta de Hierro ee ku yaalla magaalada Madrid.

Akhbaartan ayaa ku soo beegmeysa xilli labo maalmood ka hor uu feeyruska COVID-19 u geeriyooday Lorenz Sanz oo hore madaxweyne ugu soo noqday Los Blancos.

Martin oo hadda ah 72-jir ayaa shaqada ka beddelay Florentino Perez sanaddii 2006, markaas uu madaxweynaha hadda ee Real Madrid iska casilay xilkii uu ka hayay kooxda ka dhisan Santiago Bernabue.

Xilka madaxweynaha ayuu sii hayay Fernando Martin muddo labo bilood ah illaa ugu dambeyn Ramon Calderon uu ku guuleystay doorashadii madaxweynaha ee kooxda, sidaasna xukunka kula wareegay.

Haddii ay darsato xaaladdiisa, wuxuu noqonayaa madaxweynihii labaad ee Real Madrid soo maray, kaasoo uu si xun u haleelay coronavirus.

Arlaadi Radio.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here