Madaxweyne Lafta-gareen Oo u hambaliyeeyay koxda Dekadaha oo ku guuleystay Koobka Super Cup-ka Dalka

0
70

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa u hambalyeeyey kooxda Dekadaha oo ku guuleystay Koobka Super Cup-ka Dalka oo marti gelisay Dowladda Koonfur Galbeed

Madaxweynaha oo bogaadiyey Hormarka Sports ee Dalka ayaa Amaan iyo Mahadcelin ujeediyey Xiriirka Sportska Koonfur Galbeed iyo Wasaaradda Dhalinyarada sida ay uga goantahay Hormarinta Sportska Koonfur Galbeed.

“Hambalyo dhammaan laacibiinta, Tababareyaasha, Garsooreyaasha, Taagereyaasha iyo guud ahaan bahda ciyaaraha Kubadda Cagta ee ka qeyb qaatay Tartan Ciyaareedka maanta Baydhabo lagu qabtay ee ku tartamay hanashada Koobka Super Cup-ka kooxaha Gadiidka iyo Dekadaha oo guushu raacday Kooxda Dekedaha

Waxaan uga mahadcelinayaa Wasaaradda Dhalinyarada iyo Xiriirka ku bada cagta Koonfur Galbeed sida ay umartigeliyeen Maamulka iyo Ciyaartooyda Kooxaha Dekedaha iyo Gaadiidka oo goansaday Inay Baydhabo ku ciyaaran Koobka Super Cupka.

Madaxweyne Laftagareen ayaa bogaadiyey qabanqaabada iyo hannaanka maamulka Koobka ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha KG iyo Xiriirka Kubadda Cagta oo si mugleh isaga kaashaday qabsoomidda tartankan.

Madaxweynaha ayaa si gaar ah uga mahadceliyey Ciidamadeenna Geesiyaasha ah ee sugayey Amniga Garoonka oo ay ka soo qeyb galeen dhallinyaro, Odeyaal, Haween iyo masuuliyiin ka Tirsan Hay’addaha Kala duwan Dowladda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here