Madaxweyne Cali Guudlaawe oo Amray in la soo bandhigo baaxada Abaarta kajirta Hir-Shabeelle

0
210

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle  Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta shir gudoomiyay Shirka Golaha Wasiiradda  Hirshabeelle oo lagu qabtay Magaalada Jowhar.

Madaxweynaha ayaa Shirka Golaha Wasiirada ee maanta dul istaagay hadal qoraalkii ka soo baxay shirkii hore ee golaha waxaana uu faray Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka in si deg deg ah uu kusoo diyaariyo dukumentari cadeynayo baaxada abaarta jirta ee saameysay dadka iyo xoolaha.

Madaxweynaha ayaa warbixinta guud ee howlaha amniga ka dhageystay Wasiirka Amniga Gudaha Maxamed Cabdiraxmaan Kheyre waxaana uu faray diyaarinta dugsiga tababarada ciidanka si loo dardargaliyo tababarada ciidamada booliiska iyo daraawiishta  Hirshabeelle.

Ugu dambeyn Madaxweynaha ayaa bogaadiyay shaqooyinka adag ee ay hayaan Golaha Xukuumada Hirshabeelle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here