Madaxweyne Biden oo ka noqday qorshihii Trump ee ‘Beerta Geesiyaasha Mareykanka’

0
255

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Madaxweyne Joe Biden ayaa gabi ahaanba ka noqday qorshihii la doonayay in lagu dhiso taalo lagu xasuusta dadkii caanka ka ahaa mareykanka.

Dhamaan wuxuuna laalay amarkii fulinta ee madaxweynihii hore Donald Trump oo ujeedadiisu ahayd siyaasadaha dhexdhexaadka ee shirkadaha warbaahinta bulshada iyo calaamadeynta kaalmada shisheeye ee Mareykanka.

Amar fulineed oo isaga u gaar ah, Biden wuxuu baabi’iyay kooxdii hawsha ee uu sameeyay Trump si loo abuuro taalo cusub, oo madaxweynihii hore soo jeediyay sanadkii hore.

Waxay ahayd in lagu soo bandhigo sawirada dhowr iyo toban qof oo taariikhyahano Mareykan ah, oo ay kujiraan madaxweynayaal, ciyaartooy iyo astaamo dhaqameed caan ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here