Madaxweynaha Turkiga oo laga helay Covid-19

0
502

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ku sheegay in laga helay cudurka Coronavirus. Wuxuu intaa ku daray in xaaskiisa Emine Erdoğan iyana laga helay cudurka Covid-19. Madaxweynaha ayaa sheegay in isaga iyo xaaskiisu isku arkeen calaamadaha Covid-19 .

Madaxweyne Erdogan ayaa sheegay inuu guriga ka sii wadi doono shaqadiisa iyo waajibaadka saaran.

Madaxweyne Erdogan iyo xaaskiisa ayaa todobaadkan booqasho rasmi ah ku tagay dalka Ukraine.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here